Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxayn ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardargelin lahaa fulinta qorshaha kala guurka.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay garab istaaga ay u muujiyeen Midowga Yurub iyo doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka.