Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa looga wadahadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa bogaadiyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashigan uu u leeyahay xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo Gobolka.