Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Hawlgalka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka ka degay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu ku bixiyay muddadii uu xilka hayay, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.