Wasiirka gaashaandhigga XFS oo dalka ku soo dhoweeyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka gashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Garoonka Adan Cade ee magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka gaashandhiga dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladdaha xubnaha ka ah hawlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS,iyagoo ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Dowladdaha Soomaliya iyo jabuuti ayaa leh xiriir qoto dheer kaas oo ku dhisan dhinacyadda dhaqaalaha,Amniga iyo siyaasadda.