Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Askartii ku soo dhaawacantay Difaaca Dalka

Wasiirka gaashaandhigga xukumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji oo booqday Askartii ku soo dhaawacantay furumaha dagaalka ayaa ku Amaanay ciidanka xoogga dalka guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay Argagixisada kula galeen shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose waxaana uu mid mid ugu xog-wareystay xaaladooda caafimaad isagoo u rajeeyay caafimaad Taam ah ,

“Waxaa tihiin geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u huray difaaca dalkooda ,Dadkooda iyo diintooda ,qarankiina difaaciisa ayaad u dhaawacanteen , waxaan Idiin rajeynaa caafimaad deg deg ah ,taliska caafimaadka iyo wasaaradda Gaashaandhigga si dhaw ayay ula socon doonaan xaaladiina ” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga xfs oo la hadlayay askarta naftood hurayaasha ah ee ku soo Dhaawacmay furumaha dagaalka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa laba jibaaray howl-galada ka dhanka argagxisada Al-shabaab waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ay ku gaarsiiyeen jab xoogan iyagoo kii shalay ka dhacay deegaanno ka tiran gobolka shabeellaha dhexe ku dilay in kabadan 70 isagu jiray Horjoogayaal iyo maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada.