Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta oo arbaco ah la kulmay shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka ah ee (SCAA).
Shirkaan oo muhiimadiisu ahayd kala warqaashado iyo in la dardar galiyo shaqooyinka Hey’addu u hayso shacabka Soomaaliyeed ayaa ku soo dhamaaday guul, waxaana intii uu socday Shaqaalaha kala duwan ay soo jeediyeen warbixino la xariira sida shaqadu u socoto.
Wasiirka Gaadidka iyo Duulista Hawadda ee XFS ayaa ugu horayn bogaadiyay Shaqaalaha kala duwan ee (SCAA) isagoona sheegay in muhiimad wayn ay hey’adda Duulista rayidka ah ugu fadhido dalka, waxaana uu intaas raaciyay in meel looga soo wada jeesto wax walba oo carqalad ku noqon kara shaqada ah Qaranka u hayso.
Wasiir Duraan ayaa shaqaalaha u sheegay in tayaynta shaqada Hey’adda inay ka tarjumayso dawladnimo leh sal adag oo si hufan shacabkeeda ugu adeegaysa.