Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Qalab casri ah oo ay keentay Hay’adda Valar

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Ahmed Farax ayaa maanta mas’uuliyiinta Hay’adda Valar la qaatay kulan la xariira Qalab Casri ah oo ay ku wareejinayeen Garoonka Adan Cabdulle, kaas oo ka qayb qaadanaya amaanka .

Kulanka waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Mareeyee ku xigeenka Garoonka Aden Cabdulle iyo Saraakiil ka socotay laamaha amniga.

Wasiir Duran Farah ayaa sheegay in qalabkaan casrigaa uu amniga Garoonka waxbadan ka tari doono, isagoona uga mahadceliyay Hay’adda valar taageeradooda.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay kor u qaadista amaanka garoomada dalka guud ahaan.