Wasiirka Gaadiidka, iyo Xildhibaano wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ka qeyb-galay Dabaaldegga Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista ee 7-da Dicember oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda Dabaaldegga Maalinta Caalamiga ee Duulista oo markasta la qabto 7-da Dicember ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS maamulka Guddiga Adeegga Diyaaradaha, Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka, Maamul Garoonka Aadan Cabdulle, Qaar ka midah xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS, Safiirada dalalka saaxiibada sida oo ay ka mid yihiin UK, Mareykanka, Uganda, Itoobiya, qaar ka mid ah Taliyayaasha ciidamada iyo martisharaf kala duwan.

Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo hadal ka jeediyay xafladdan ayaa ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya iyo dadaalkii laga soomaray ka hor inta aanan si rasmi ah loogu wareejinin Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ka sheekeysay howlqabadka Hay’adda Duulista Rayidka ee dadaalka xagga horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyadoo soo hadal qaaday in ay Wasaaraddu iyo DFS ay ku dadaaleyso soocelinta Diyaaraddii Soomaali Airlines waxaana ay munaasabadda Dabaaldagga Maalunta Caalamiga ah darteed ay ugu hambalyeysay howlwadeenada Hay’adda Duulista iyo Hay’adaha Duulista dunida horumar iyo wadasheyn.

Munaasabadda oo ay sidoo kale hadalo ku aadan hambalyada xuska maalinta caalamiga ah ee Duulista ee 7-da Bisha Dicember ka jeediyay safiirdada, mas’uuliyiintii iyo hay’adaha caalamiga ah ee lagu casuumay ayaa waxaa ugu dambeyntii uu Wasiirka Gaadiidka Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud Cali Gacal Gaaboow ay Guddoonsiiyeen Guddiga adeegga diyaaradaha, Shirkadda Diyaaradaha sida Ithiopia Airlines, Turkish Airlines, Uganda, Taliyaha Saldhigga Garoonka, Shirkadda Favori LLC abaal marin.