Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la kulmay Danjiraha Shiinaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Durran Axmed Faarax ayaa Maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire FEI Shengchao.

Wasiirka Iyo Danjire Shengchao ayaa kawada hadlay Iskaashiga labada dal gaar ahaana dhanka Duulimaadyadda Rayidka ah, waxaana uu Wasiir Duran sheegay in Danjiraha dadaalkiisa in kor loo qaado xariirka iskaashi ee labada dal.

”Dawladda Shiinaha waxay naga caawisaa dhinaca horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidkaa, Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in heerka Maamulka Hawadda la gaarsiiyo heerka A oo ah kan dunida horumartay ay joogto”Ayuu Yiri Wasiir Duraan Axmed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ahaa horumaro badan samaysay taa oo lagu hor marinayo Duulimaadyada Soomaaliya.