Wasiirka gaadiidka ee XFS oo soo xiray tababar ku saabsan amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho

Aqoon kororsigan oo ku aadan sare u qaadista amniga, tayeynta xirfadaha iyo adeegsiga qalabka baarista xirfadlayaasha garoonka Aadan Cadde ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday 10- casho oo ay ka qeyb galeen 16 qof oo ka mid yihiin howl-wadeennada xafiisyada hay’adda duulista rayidka iyo xafiiska maamulka guud ee maareeyaha garoonka ayaa lagu baranayay mashiinnada baarista ee yaala garoonka iyo qalabka gacanta ee baarista oo lagu baaro rakaabka iyo dadka isticmaala garoonka.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in koorsadan ay horumarinayso aqoonta howl-wadeennada amniga garoonka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada mudane Duraan Axmed Faarax oo soo xiray tababarkan ayaa adkeeyey in dhammaan dadka ka howl-gala garoonka la siin fursadda tababarkan si loo illaaliyo amniga iyo shuruucda garoonka.