Wasiirka Diinta oo ku baaqay in la tukado Salaad roob doon ah, lana soomo 4 cisho

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in la dukado Salaad roob doon ah iyo sidoo kale in la soomo muddo afar maalin ah oo ka bilaabaneysa 7 Bisha oo ah maalin talaado ah kuna eg 10 Bisha oo ku began maalinka Jimcaha iyadoo ladukanayo salaad roob doon ah 9:00 🕘 barqanimo salaada jimco ka hor.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo shacabka la hadlayay ayaa ku baaqay in la is cafiyo isagoo Alle ka baryay inuu shacabka ka dulqaado abaarta saameysay bulshada Soomaaliyeed

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah Gobollada dalka ay ka jirto abaar baahansan oo galaafatay Nolosha dad iyo dunno, una baahan in gurmad deg deg ah lala gaaro.