Wasiirka Difaaca XFS oo maanta saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga

Wasiirka gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u tagay Safaaradda si uu uga tacsiyadeeyo dowladda iyo shacabka dadkii ku dhintay Dhulgariirkii musiibadii ahaa ee ka dhacday Isniintii la soo dhaafayTurkiga.

Mudan,e Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay Dhul-gariirka, isagoo cadeeyey in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii ka dhacday Turkiga.