Wasiirka difaaca XFS oo gaaray jiidaha argagixisada lagula dagaallamayo ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Gaashaandhigga,Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa gaaray furimaha dagaalka deegaannada hoostaga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud, waxaana ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Saabir oo horay ugu sugnaa

Goobaha ay booqdeen masuuliyiintan iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga, kuwaas oo dhawaan ka xoreeyay kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga ayaa dadkii deegaanka ee uu furimahaas ugu tagay ka ballan qaaday in ay garab taagganyihiin, wuxuuna ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka kooxdan ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Khawaarij banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.