Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya mudane Cabdifataax Cabdullahi Xasan, kulanka oo ahaa  mid isbarasho ah ayuu Danjiraha ku boogaadiyay dadaalada dib-u-dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ay wadday sanadihii dambe.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta Iskaashiga amniga iyo Difaaca  ee labada Dowladood.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in  ciidanka AMISOM iyo xoogga Dalka ay si wada-jir ah u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisadda Al-Shabaab.