Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan miro dhal ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, iyagoo ka wadda hadlay shaqooyinka socdo ee u dhaxeeya UNSOM iyo wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya.

Kulanka oo u dhacay si saaxiibtinimo oo loona wadda hadlay si hufan ayaa waxaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ku wehliyey kulanka Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka (KIXI-HRPG), S/Guuto Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee UNSOM.

Kulanka waxaa wasiirka Gaashaandhigga ku weheliyay agaasimaha guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan M. Saciid Samantar “Gacaliye” iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan.