Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay xaaladda howlgalka ATMIS iyo halka uu marayo qorshahooda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka 27-xarun ciidan ay kala wareegeen ciidamada ATMIS. Sannadka 2024-ka, ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Sidoo kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo doodda ka taagan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo ka mid ah Baddeenna, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowladdo kale booskaas ay buuxin doonaan.
” Xaaladda ATMIS meesha ay mareyso ayaan rabaa in aan kalmad ka iraahdo, ciidadamada xoogga dalka wejigii seddaxaad wuu dhammeeyay, guud ahaan ATMIS 27-xarumood ayaa lagala wareegay in intaas la mid ahna ilaa iyo 2024-ta waa la dhammeystirayaa oo 3-bilood ka dhamin tahay howlgalku (Missionka) ku egyahay 2024-ka,waxay doodi ka taagneyd, sidiina u taagan tahay Dowladda Itoobiya oo aad la socotiin haddii aysan ka laabanin heshiis beeneedkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowlado kale booskaas ay buuxin doonaan,’.
Dhanka kale, wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ee caawiya howlgalka ATMIS ay u socdaan wadahadallo ku aaddan arrimaha farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas iyo sida uu noqon doono.
”Doodaha badan aad qabi kartaan waxaa ka mid ah howlgalkaas iyo siduu noqon doono, waad la socotiin howlgalka magaciisa waa la bixiyay, waxaana wali socda arrimihii farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas, wada-hadalkaas wuxuu noo socdaa anaga iyo African Union, United Nation iyo hay’adihii kaalmeyn lahaa,waxay doodi ka taagneyd,”.
Ciidamada xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegaya amniga guud ee dalka, marka si dhammeystiran dalka uga baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.