Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la qaatay safiirka dowlada Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.
Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka cilaaqaadka kala dhaxeeya wasaaradda iyo sidii loo sii dar dar galin lahaa arrimaha dhallinyarada gaar ahaan sidii loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo horumarinta qaybaha kala duwan ee Isboortiga oo muhiimad weyn u leh wasaaradda.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa soo dhaweeyay kulanka shexmaray asaga iyo wasiirka, wuxuuna ballan qaaday in ay sida uu qorshaha yahay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan howlaha lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo tan ciyaarahaba.