Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Morooco

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed  Barre Maxamud ayaa  Kulan mira-dhal ah magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirka Dhallinyarada, dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooco Mr Mohamed Mahdi Bin Saciid oo booqasho ku yimid dalka.

Labada wasiir ayaa ka sheekaystay fursadaha iyo caqabadaha haysta dhallinyarada labada dal iyo sida la isaga kaashan karo.

Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooca ayaa sidoo kale warqad martiqaad ah oo ka timid boqorka Morooco gacanta u geliyay madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,In kasta oo labadeena dal ay qaaradda Afrika labo cirif kaga kala yaalaan hadana waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ay iska kaashan karaan.