Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Ruushka uga qeyb galay shirka arrimaha dhalinyarada ee dunida Islaamka

Madaxweynaha Tatarstan mudane, Rustam ayaa kulan sagootin ah u sameeyay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka Ruushka kaga qayb-galay Shirka arrimaha dhallinyarada ee dunida islaamka.

Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyne Rustam iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen horumarinta ciyaaraha gaar ahaan in tababarro la siiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiriirrada kala duwan.

Wasiir Maxamed Barre ayaa lagu sharfay inuu abaal-marin guddoonsiiyo qaar ka mid dhalinyarrada dunida Islaamka ee wax ku soo kordhiyay bulshadooda.

Shirkan oo ka dhacay Caasimadda Tatarstan ee Kazan ayaa waxaa marti gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah  midowga Federaalka Ruushka, waxaana ka soo qayb-galay wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, ururro caalami ah iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururrada dalalka Islaamka.