Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Garsoore Caalami Cumar Cabdiqaadir Cartan

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Omar Abdulqadir Cartan, oo si weyn loogu aqoonsan yahay garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Omar Cartan kaalinta uu ka qaatay horumarinta sumcadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan kubadda cagta. Waxa uu xusay in Omar uu yahay tusaale muuqda oo dhalinyarada Soomaaliyeed ku dayan karaan, isagoo marar badan ka garsooray tartamo heer caalami ah, una matalay Soomaaliya si sharaf leh.

Omar Abdulqadir Cartan wuxuu ka mid yahay garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika. Waxaa uu si rasmi ah u galay liiska garsoorayaasha CAF iyo FIFA tan iyo 2018. Wuxuu ka garsooray tartamo badan oo muhiim ah, wuxuuna gaaray heer sare marka uu si guul leh u garsooray kulankii kama dambeysta ahaa ee CAF Champions League , taasoo ka dhigtay garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee taariikhdaasi gaaro.

Kulanka wasiirka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed, Agaasimaha Horumarinta Ciyaaraha Sadaq Axmed Cabdulle, iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xasan Yarbarow Wiish.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay inay garab istaagto shaqsiyaadka sida Omar Cartan ee magaca iyo calanka dalka kor ugu qaada.