Wasiirka dekadaha oo qaabilay madaxa hawlgalka midowga Afrika ee AUSSOM

Wasiirka Wasaaradda Deakadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane  Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM , Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Kulankan oo diirada lagu saarayay hordhaca Missionka AUSSOM Somaaliya, amniga Badda Somaaliya, dib u dhiska iyo tayeynta Dekadaha Dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wakiilka kaalinta naf-hurnimada leh ee Midowga Afrika ka qaatay arrimahaas, isaga oo xusay muhiimadda iskaashi dhow oo dhexmara Wasaaradda iyo Midowga Afrika si kor loogu qaado shaqada baaxada weyn ee ay Wasaaradu hayso.

Wakiilka ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda, wuxuuna ballanqaaday in Midowga Afrika sii xoojin doono taageerada si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.