Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo gaaray London

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO).

Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko) iyo masuuliyiin kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow si weyn ugu soo dhaweeyay.