Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS, Khadiijo Maxamed Al- Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa kulamo la leh madax ka tirsan dowladda waddankaas.

Marwo, Khadiijo Maxamed Al-Maqsuumi ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Findland, Maria Ohisalo iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimillada dalka Finland.

Wasiir, Khadiijo ayaa sheegtay in dowladda Finland ay ka wada hadleen sidii ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dedaalka ay XFS ugu jirto la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimillada.

” Finland waxay nagu garab siineysaa dedaalka aan ugu jirno la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilida”.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajahaysay abaaro iyo roob yari ka dhalatay isbeddelka cimillada oo fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ah.