Wasiirka deegaanka XFS oo ka qayb gashay shir looga hadlaya Isbeddelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimillada XFS, Khadiija Maxamed Almakhzuumi ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uga qeyb gashay shir hordhac u ah kulan weynaha isbeddelka cimillada ee dabayaaqada Nofember iyo horraanta Disember ka dhici doono Dubai.

Wasiir Almakhzuumi iyo madaxdii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa waxay ka wada xaajoodeen ajendayaasha shirka iyo siyaabaha ugu habboon ee wadajir looga shaqeyn karo yareynta dhibaatooyinka Isbeddelka Cimillada.