Wasiirka deegaanka oo New York uga qaybgashay shirka maalgashiga Afrika

New York: Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Shirka Maalgashiga Afrika, halkaas oo ay kaga hadashay doorka Qorshaha Qaran ee Soomaaliya iyo yareynta diiqowga hawada, Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay u baahantahay maalgashi dhan $16.9 bilyan ee himilada – Nationally Determined Contribution (NDC) Soomaaliya ilaa 2030.

Wasiirka ayaa sidoo kale xoojisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah (PPP), si loo sameeyo maalgashiga tamarta cagaaran (Green Energy) iyo beerashada cimilada la jaanqaada (Climate Smart Agriculture), taasoo gacan ka geysanaysa in la soo gaabiyo firaaqa dhaqaale ee ka dhashay isbeddelka cimilada.