Wasiirka deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya oo la kulantay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka mareykanka kulan kula qaadatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Ms.Baerbock.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xaqiijinta amniga cimilada heer gobol iyo heer caalami intaba, sidoo kale, waxay isku afgarteen sidii labada dalka uga wada shaqeyn lahaayeen isbedelka cimilada, la qabsiga cimilada, yaraynta iyo Amniga.