Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirweynahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: “Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan maanta, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”
Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.