Dhuusamareeb,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka WasaaraddaDeegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa 18-kii July 2026 gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka bilaabay socdaal ballaaran oo lagu xoojinayo geeddi-socodka Dimuqraadiyadda, kor u qaadista wacyiga Bulshada iyo ololaha Doorashada Qof iyo Codka.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soodhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb, waxaana socdaalka ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannoka tirsan Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug yo Mas’uuliyiin kale, kuwaas oo qayb ka ahaa Kulammadii iyo Barnaamijyadii kala duwanaa ee lagu qabtay Deegaannada uu socdaal ku maray.
Socdaalka Wasiirka ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta Bulshada si ay uga qayb qaataan Doorashada Qof iyo Codka, xoojinta qiyamka Dimuqraadiyadda, iyo adkaynta kaalinta Muwaadinka ee go’aaminta Mustaqbalka Siyaasadeed ee Galmudug.
Mudada uu ku sugnaa Dhuusamareeb, Wasiirku wuxuu Kulamo miro-dhal ah la yeeshay Odayaashadhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Aqoonyahannada iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Kulammadaas waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in Shacabka si xor iyo xalaal ah uga qaybqaataan Doorashada, isla markaana ay ilaaliyaan Nabadda iyo wadajirka Bulshada.
“Doorashada Qof iyo Codku waa guul u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed. Waa Maalin uu Muwaadinku si xor ah ugu dooranayo hoggaanka uu aaminsanyahay. Cod kasta oo la dhiibaa wuxuu dhisayaa Mustaqbalka Galmudug iyo Soomaaliya.”
Wasiirku waxa uu tilmaamay in Xisbiga Cadaaladdaiyo Wadajirka Soomaaliyeed (JSP) uu Bulshada u soo bandhigay aragti ku salaysan Dowladnimo, horumar, isla-xisaabtan iyo ka qaybgal Siyaasadeed oo loo siman yahay.
“Waxaan rumeysa nahay in Libaan Axmed Xasan uu leeyahay hoggaan, karti iyo aragti sii dardargelin karta Nabadda, Horumarka iyo Dowlad-dhiska Galmudug. Doorashadani waa Fursad ay Shacabka ku go’aansanayaan jihada mustaqbalkooda.”
Kadib kulammadii Dhuusamareeb, Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa u gudbay Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee Bulshada, Wasiirka ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Gabacsatada iyo Bahda Waxbarashada, Kulamadaas oo xoogga lagu saaray doorka Bulshada iyo ilaalinta Dimuqraadiyadda.
Socdaalka Wasiirka kuma koobnayn Magaalooyinka waaweyn oo keliya, balse waxa uu gaadhay Deegaanno hoos yimaada Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uukula kulmay Bulshada Deegaanka uu matalo.
Wasiirku, wuxuu si dhow u dhegaystay aragtida iyo Talooyinka Bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in codka Shacabka Miyigu uu laf-dhabar u yahay Dimuqraadiyadda.
Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday Deegaannada Bitaale iyo Sangaduud, halkaas oo ay ugu kuurgaleen xaaladaha nololeed ee Bulshada, islamarkaana ay dhegaysteen baahiyaha iyo caqabadaha ka jira Deegaannadaas.
“Muddo ku dhow konton Sano kadib, Shacabka Soomaaliyeed waxay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan Hoggaankooda. Waa waajib in aynu ilaalino Nabadda, mideyno codkeenna, kana faa’iidaysanno xuquuqdeenna Dastuuriga ah.”
Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo geedi-socodka Dimuqraadiyadda, kor u qaadista wacyiga Bulshada iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka Shacabka ee Doorashada Qof iyo Codka, taasoo astaan u ah biseylka siyaasadeed iyo horumarka nidaamka Dowladnimo ee Shacaka Galmudug.











