Wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ee XFS oo xilka loo dhaariyay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen ayaa maanta oo Isniin  ah si rasmi ah loogu dhaariyay xafiiska.

Wasiirka cusub ayaa waxaa lagu dhaariyay kulan uu yeeshay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka, Mudane  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday.

Dhaarinta kadib wasiirka cusub ayaa uga mahadceliyey hoggaanka dalka kalsoonida loogu magacaabay xilka wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada isaga oo ballan qaaday inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka cusub.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa 4-tii bishan u magacaabay xilka wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo horey usoo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka ganacsiga.