Wasiirka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay shaqada ka socota garoonka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta kormeeray Qaab-dhiska iyo howlmaalmeedka Qeybaha terminaalka dhoofka Dibedda iyo Gudaha iyo howlaha Guud ee ka socda Garoonka Aadan Cabdulle.

WasiirkGaadiidka Marwo Fardowso Cismaan Cigale, Wasiiru dowle Maxamed Cumar “Caano nuug” iyo Wasiir Ku Xigeenka Sulub Axmed Firin, iyagoo warbixinno howlaha garoonka iyo sugidda Amniga ka dhageystay Maareeye Ku-xigeenka maamulka garoonka Duuliye Caydaruus Axmed Kaahiye.