Wasiirka Caddaaladda XFS oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Marwo. Nasrin Khan, Madaxa Arrimaha Sarreynta Sharciga iyo Amniga ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ahaa kulan sagootin ah kadib dhammaadka hawlgalka UNTMIS ee taageerada dawlad-dhiska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey UNTMIS taageeradii  hay’adaha bahda caddaaladda, gaar ahaan kobcinta awoodda hay’adaha, horumarinta sharciyada iyo siyaasadaha, dib-u-habaynta adeegyada asluubta, isaga oo adkeeyey in hay’adaha Cadaaladda ay sii wadi doonaan dadaalladaas, kana sii ambaqaadi doonaan horumarradii laga gaaray dhinacyada caddaaladda iyo  asluubta intii uu socday Hawlgalka UNTMIS.