Wasiirka Caddaaladda XFS iyo Majmaca Culimada oo ka wada hadlay la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Majmaca Culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira cadaaladda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee khawaarijta.