Wasiirka Cadaaladda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha QM

Ku-simaha Raysal Wasaaraha, ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabbilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenenga oo booqasho ugu yimid xafiiskiisa.

Wasiirka, ayaa booqashada uga mahadceliyay Ku-xigeenka Ergayga, kuna soo dhaweeyay Soomaaliya iyo shaqada cusub ee uu dalka ka bilaabay.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay gacansiinta Qaramada Midoobay ee bahda Caddaaladda Soomaaliya, taageero siinta dhab adeegga Cadaaladda, gaarsiinta adeeg caddaaladeed deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo hannaanka dhamaytika Dastuurka.

Wasiirka ayaa adkeeyay ka go’naanshaha xukuumadda Dan Qaran ee hirgelinta hannaanka doorashooyinka si shacabka Soomaaliyeed u doorto madaxdiisa iyo mudnaan siinayta kobcinta awoodda bahda cadaaladda dalka.