Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.


