Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb galay shirka Guddiga Farsamo ee wasiiradda Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga Midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka 7-aad ee Guddiga Farsamo ee heer wasiiradda Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga Midowga Afrika (STC-JLA) kaas oo ka furmay magaalada Accra ee caasimada dalka Ghana.

Shirkan oo socon doona labba maalmood ayaa ujeedkiisu yahay  in la isla qaato saddex heshiis oo qeyb ka ah Heshiiska Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Kuwaa oo ay kamid yihiin.

1)Heshiiska Maalgashiga ee  Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Investment)

2)Heshiiska Siyaasadda Tartanka ee Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Competition Policy) iyo heshiiska Xuquuqda Lahaansha Maan Abuurka (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Intellectual Property Rights) Hiigsiga Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) ayaa ah in qaaradda Afrika ay yeelato hal suuq  oo xor ah, wuxuuna sidoo kale dhiirigelinayaa is dhexgal ganacsi oo dhex mara dalalka qaarada.

Heshiisyadan ayaa waxaa hore uga soo shaqeeyey wasaaradaha ganacsiga ee Afrika, oo ay kamid tahay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiiradda Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, Xuquuqul Insaanka iyo Qareenada Dowladaha xubnaha ka ah STC-JLA,dood dheer iyo falanqeyn kadib, wasiiradu waxay ansixiyeen saddexda heshiis.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa waxaa loo gudbin doonaa shir madaxeedka Midowga Afrika oo qabsoomi doona bisha soo socota ee Febraayo dhexdeeda,heshiiskan Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ay Soomaaliya saxiixday, laakiin aan weli la ansixin, ayaa hadii uu dhaqan-galo waxaa ka faa’iidi doona guud ahaan dalalka Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay