Wasiirka Cadaaladda XFS oo Gaalkacyo ka furay shir ku saabsan wax ka-beddelka cutubyo ka mid ah dastuurka

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa magaalada Gaalkacyo ka furay shirka latashiga ururrada bulshada rayidka ah ee soo jeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, isagoo ku celiyay in la tashiga muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay lagama maarmaan u tahay qabyo tirka dasuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Abuukaate Burhaan Aadan Cumar, oo  kalimad kooban ka jeediyay kulanka la tahsiga ururada bulshada rayidka ah ee Gaalkacyo ay la yeesheen mas’uuliyiinta hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dasuurka ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurku ay aasaas u tahay horumarinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guddiga Lasocodka Dastuurka, Senetor Siciid Cabdi Xuseen (Cowke) ayaa Maamullada Mudug iyo Gaalkacyo ee maamulka Galmudug uga mahad-celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen mas’uuliyiinta hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista dastuurka ee wada tashiyada u tagay magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta hey’ada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo uu ugu horreeyo wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, mudane Xasan Macallin oo uga mahad-celiyay ka qeyb galayaasha talada iyo aragtiyada wanaagsan ayaa ballan qaaday in deegaannada dalka oo dhan lagu qaban doono kulama noocaan ah si cid kasta aragtida ay qabto ugu darto, waxeyna dadka Soomaaliyeed ku boorriyeen meel kasta oo ay joogaan in talooyinka ay Online kusoo dhiibtaan.