๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ ๐, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐ฒ๐๐ ๐ช๐๐b๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ w๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ g๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ g๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ g๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ (๐๐๐๐) ๐ข๐ฒ๐จ m๐๐๐๐ฑ๐ h๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ค๐ m๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ (๐๐๐๐๐), ๐๐ฆ๐. ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฅ-๐๐ฆ๐ข๐ง๐ ๐๐จ๐ฎ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐๐๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta doorashooyinka, xoojinta caddaaladda dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarrada ay Xukuumadda Dan-Qaran ka samaysay dhinaca doorashooyinka, isagoo si gaar ah u tilmaamay dadaalka xukuumadda ee ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dhammeystirka dastuurka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in la gaaro bisha Diseembar 2025.
Mudane Xasan Macallin ayaa caddeeyay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka goโan tahay hirgelinta doorashooyin cadaalad ah, isla markaana ay qorsheynayaan in dalka loo horseedo hannaan sharciyeed oo dhameystiran. Wasiirku sidoo kale wuxuu mahadnaq u jeediyay hawlgalka ATMIS iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen sugidda amniga iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya muddadii ay joogeen.