Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, halka wafdigu ay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda ee ku aaddan tayeynta cadaaladda iyo dastuurka iyagoo ballanqaaday sii wadista taageerada.

Wasaaradda Cadaaladdu waxay sii xoojineysaa dadaallada ku aaddan tayeynta nidaamka Cadaaladda iyo dhameystirka iyadoo la kaashaneysa bahda cadaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah.