Wasiirka cadaaladda oo furay aqoon’isweydaarsiga hindise-sharciyeedka Iskaashiga garsoorka caalamiga ah

Nairobi: Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay aqoon-is-weydaarsi looga hadlayo dhameystirka hindise-sharciyeedka Iskaashiga garsoorka Caalamiga ah, kaas oo maanta ka bilowday magaalada Nairobi.

Aqoon-iswaydaarsigan oo soconaya labo maalmood kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda oo kaashanaysa Machadka Caalamiga ah ee Cadaaladda iyo Sarreynta Sharciga (IIJ) ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoonka iyo xubno ka tirsan Guddiyada Caddaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee labada Aqal ee baarlamaanka JFS ,Xeer-ilaalinta iyo hawlwadeennada baarlammaanka iyo howl-wadeenno sharci oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda.

Hindisahaan ayaa xoojinaya wada-shaqeynta Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka, gaar ahaan la-dagaallanka dembiyada ka gudba xuduudaha, is-weydaarsiga caddaymaha iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka.