Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo qaabilay wafdi ka socda QM

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrmaha dastuurka, mudane Xassan Macallin Maxamuud oo uu weheliyo Wasiir-dawlaha wasaaradda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Dalalka Carabta ee Hay’adda UNDP, Dr. Abdallah Al Dardari iyo wafdi uu hogaaminayay.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta ka dhaxaysa labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo kobcinta talinta sharciga, oo ah tiirarka muhiimka u ah horumarka dhaqaale ee dalka. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa guray mudnaanta Wasaaradda ee ku aaddan dhammaystirka hannaanka sharci-dejinta, hagaajinta qaab-dhismeedka garsoorka iyo tayaynta hay’adaha bahda cadaaladda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNDP, taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay doorka hay’adda ee dib-u-dhiska iyo kobcinta nidaamka cadaaladda dalka.