WASIIRKA CADAALADA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY DALKA MASAR

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS iyo wafidiga uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa Qaahira kulan miro dhal ah kula qaatay wasiirka cadaaladda dowladda Masar, mudane Cumar Marwaan.
Kulanka Labada wasiir ay yeesheen ayaa looga hadlay iskaashi dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyadda iyo garsoorka taas oo ay wadajir uga shaqaynayaan labada dowlad ee walalaha ah.
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim ayaa dhigiisa Masar uga mahad celiyay casuumaadda uu u fidiyey, isagoo bogaadiyay horumarka dhanka adeegyadda cadaaladda iyo garsoorka ee dalka Masar.
Wasiirrada Cadaaladda ee labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida ay labada dowladood ee walaalaha ah ugu heelan yihiin xoojinta xiriirkaaas waxaana la isla gartay in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah.