Wasiirka Caafimaadka XFS oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kaga qeyb galey Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga madasha 3-aad ee Riyadh International Humanitarian Forum (RIHF3) oo ujeedadeedu tahay in looga doodo Baahida arrimaha Bani’aadannimo ee soo koraysa marba marka ka dambeysa.

Madashan oo heerkeedu sareeyey ayaa aheyd wax ka qabashada arrimaha Beni’aadannimada si loo dhaqaajiyo isbeddel macno leh iyo wax ka qabashada arrimaha ugu muhiimsan caqabadaha bani’aadannimo ee caalamiga ah ee hadda jira, iyo fududeynta doodaha ku saabsan horumarinta, xoojinta iyo bixinta gargaarka bini’aadanimo iyadoo loo eegayo heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo waxtarka leh dadka ay saameeyeen adduunka oo dhan.

Madasha oo ay marti gelisay Xarunta Gargaarka Beni’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Samafalka ayaa waxaa kasoo qeybgaley madaxda dalalka Carabta, Khaliijka, hay’addah ka shaqeeya arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo khuburo waaweyn iyadoona Dowladda Soomaaliya uu ku matalayey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirri gelinaysaa in la badiyo doodaha caynkan oo kale ah si baarayaasha ka socda waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), ay kor ugu qaadaan wax ka qabashada arrimaha gargaaka iyo Bani’aadannimada.