Wasiirka Caafimaadka XFS oo Magaalada Qaahira kulan kula qaatay Ardayda Soomaliyeed ee taqasuska Caafimaadka ka diyaarinaya Dalka Masar.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar kulan kula qaatay Ardayda Soomaliyeed ee taqasuska Caafimaadka ka diyaarinaya Dalka Masar.

Wasiirka ayaa Ardeyda kula kulmay xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Amb. Ilyaas Sheekh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo howl wadeenada kale ee Safaaradda

Wasiirka ayaa Ardayda ka dhagaystay caqabadaha soo waajahdo mararka qaar iyo talooyin ku saabsan qaabka loo horumarinkaro arimaha Caafimaadka wadankeena maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka soo koraya gaar ahaan dhanka Caafimaadka oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee Dalka.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku booriyay Ardeyda in ay waxbarashadooda dhameystaan oo ay wadankooda wax kusoo kordhiyaan una dhabar adeygaan caqabadkasta oo hakad galin karta halganka waxbarashadooda.

Ugu dambey Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Safiirka iyo howlwadeenada kale ee Safaaradda doorka ay ka qaadanayaan in Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Masar ay hellaan adeegyada Dowladeed ee ay u baahan yihiin iyo sida ay u garab istaagto mararka ay soo wajahdo xaaladaha qaar iyo sida kulanka ay usoo qabanqaabisey.