Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan, ayaa ka qeyb galay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano iyo Daahfurka Hanaanka Casriga ah ee Xogta iyo Ololaha Kobcinta Daryeelka Caafimaad ee Isbitaalka Demartino.

Munaasabadda oo ahayd mid heerkeedu sarreeyey waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, siyaasiin, dhaqaatiir, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay howlaha muhiimka ah ee uu u qabtay bulsho waynta Soomaaliyeed Isbitaalka Demartino iyo kaalinka lama ilaawaanka ah ee uu kaga jiro adeegga danta guud iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.