Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay shirka Sedex-biloodlaha ah ee Iskuduwidda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta qabatay Kulanka Sedex-biloodlaha ah ee Iskuduwidda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya kaasoo socon doona mudda 2 malin ah.

Kulankan oo ah mid Sedex-biloodla ah ayaa mar walba diiradda lagu saaraa Hormarinta Hawlaha Caafimaadka dalka ee hortabinta leh, iyo sidoo kale lagu sameeyo soo bandhiggidda qodobaddii kasoo baxay shirkii hore ee dhacay Dec 2022 kaas oo uu furay Ra’aiisul Wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi barre, Kulankaan ayaa muhiim u ah lafaguridda xaaldaha Caafimaad ee taagan kuwaas oo u baahan in si degdeg ah loo wajaho.

Kulanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr Cali xaaji Aadan oo ay wehelinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Maryam Maxamad Xuseen iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr Maxamad Hassan Mohame Bulaale .

Shirka waxaa ka soo qaybgalay qaar kamida Agaasimyaasha Waxaayaha Wasaraadda Caafimaadka , Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ka Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedayda, Madaxa ka socotay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan qaybta tiirka hormarinta arimaha Bulshadda, Hay’addaha Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka dalka, iyo ururuada Bulshadda , isbitaalada Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahya.

Labdda maalmood ee uu shirka socdo waxaa lagu wada gorgfeyn doonaa Mawduucyo kala duwan oo ay kamid yihiin:

 

  • Xoojinta Hanaanka Maamulka adeegayda Caafimaadka
  • Horumarinta Cuududa Shaqaalaha Caafimaadka qeybahooda kala duwan
  • Horumarinta nidaamka , Maamulida iyo maaraynta xogta caafimaadka dalka
  • Kor-uqaadida nidaamka adeeg bixinta