Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawsiyo Abiikar Nur oo ka jawaabeysa martiqaad rasmi ah oo ay ka heshay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan booqasho ah ku tagtay xarunta maamulka gobalka Benaadir.
Labada masuul waxaa kulanka ku wehelinayay sarakiil sar sare oo ka socotay wasaaradada iyo Agaasimaha Caafimaadka ee dowlada Hoose Xamar. Kulankan ayaa looga hadalay xoojinta wada shaqeynta iyo sii adkeynta hanaanka daadejinta adeega Caafimaadka ka soo hadda u socda si heer sara ah.
Dhanka kale Agaasimaha Caafimaadka Gobalka ayaa ka warbixiyay sida ay u hirgeshay aragtidii ay garwadeenka ka ahayd Wasiir Fawsiyo iyo waxyaabahii ka qabsoomay howlihii daadejinta Adeega Caafimaadka ee Gobalkaka Benaadir taas oo ay ka soo wareegatay mudo 1-Sano ah.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Wasiirka Caafimaadka uga marxabeeyay wada shqeynta iyo garab istaaga ay u muujisay maamulka gobalka Benaadir iyo Shacab weynaha Muqdisho iyo sida markasta ay ugu heelantahay hirgelinta Adeega Caafimaadka ee danta guud.
Guddommiyaha ayaa sidoo kale boogaadiyay Shaqada Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar iyo Qeybaha wasaaradda ee shaqada kala dhaxeyso.
Uga danbeyntii Guddommiyaha iyo Wasiiradda ayaa Isla qaatay in sanadkaan 2022 xooga la saaro sidii adeega Caafimaadka ee bulshada Caasimadda kor loogu qaadi lahaa dhankasta.