Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyey Dhaqaatiir howla Qaliin ah ka fuliyay dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumqdda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo kulan sagootin ah u sameeyey Dhaqaatiirta Isaga-goosha Qaaradaha ee Hey’adda (PAC) oo maalmihii u dambeeyey fulinaysay Ololaha Qaliinka isku furanka haweenka kiisii 10-aad.

Dhawaan ayay aheyd markii si rasmi ah loo daahfurtay ololahan oo ay ka faa’ideysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo baahi u qabey in ay hellaan qaliinada Iskufuranka Haweenka kiisii 10-aad iyo qaliinka guud ee Neerfaha iyo xangulada oo isaguna la fuliyey markii ugu horeysey tan iyo inta PAC ay billowdey Ololaha Caafimaad ee Soomaaliya.

Qaliinada isku furanka haweenka ayaa Wasaarada Caafimaadka ka fulisey Isbitaalka Dayniile halka ay 300 bukaan oo isugu jira qaliimada guud ee neerfaha iyo kuwa kaadi mareenkana ay horey ugu samaysey Isbitaalka Guud ee Demartino Public Hospital.

Dhamaan adeegyada ololahan ayaa ahaa kuwa bilaash ah oo si tabaruc dadka masaakinta ah looga qaadayo culaysyada xanuun ee haysta waxaana sidoo kale tabar heer sara ah lasiiyey Dhaqaatiirta maxaliga ah mudadii uu Ololahan socday si sare loogu qaado xirfadooda dhakhaatiirta Guddaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Dhaqaatiirka ugu mahadceliyey howsha quruxda badan ee ay qabteen isagoona dhamaan dhaqaatiirta siiyey Shahaado Sharaf iyo Billado ay ku muteysteen howsha quruxda badan ee ay qabteen.