Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aaam, ahna Guddoomiyaha Ururka ReSCo oo ay ku mideysan yihiin 14 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa shir guddoomiyey Shirka heer wasiir ee Ururka ReSCo.

Shirkaas oo ay martigalisay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muhiimad gaar ah lahaa, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada caafimaadka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey caqabadaha caafimaad ee ka jira gobolka, gaar ahaan kuwa ka dhasha cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka. Sidoo kale, shirka waxa uu ka hadlay sidii loo horumarin lahaa ammaanka caafimaadka, iyadoo xoogga la saaray iskaashiga xuduudaha dalalka xubnaha ka ah ReSCo. Waxaa lagu guuleystay in la aasaaso guddi hoosaadyo cusub oo ka shaqeynaya howlaha muhiimka ah ee ururka, kuwaas oo diiradda saaraya, Kobcinta iskaashiga dhanka ammaanka Caafimaadka ee xuduudaha, si looga hortago faafitaanka cudurrada halista, dhisidda hanaan mideysan oo lagu ogaado laguna xakameeyo cudurrada dilaaga ah iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo xoojinta wadashaqeynta dalalka xubnaha ka ah ReSCo si loo gaaro horumar mideysan.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysay ReSCo saddexdii sano ee ugu dambeysay, iyadoo uu hoggaankaasi horseeday guullo la taaban karo oo dhanka iskaashiga caalamiga ah ah. Shirkan ayaa sidoo kale lagu qorsheynayaa in lagu doorto Guddoomiyaha cusub ee ururka, si uu ula wareego hoggaanka sanadaha soo socda.

Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadam, ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee ay dalalka xubnaha ah sameeyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo go’aan mideysan oo lagula tacaalayo caqabadaha caafimaadka ee gobolka. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dalalka xubnaha ah inay sii wadaan iskaashiga iyo dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caafimaadka guud ee gobolka.