Brussels: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Brussels uga qaybgalay shir heer caalami ah oo cinwaankiisu ahaa “Health and Prosperity through Immunisation”, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda GAVI.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 28 waddan, oo ay ku jiraan dalal deeq-bixiyayaal ah iyo kuwa soo koraya, ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa maalgashiga iyo iskaashiga lagu gaari karo ilmo kasta iyo qof kasta oo u baahan tallaal. Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Angola, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo madax sare oo ka socotay hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.
Wasiirka ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo looga hadlayay sidii loo gaari lahaa carruurta aan weligood helin tallaal (zero-dose children). isagoo hadal ka jeediyay madashaasi, waxa uu muujiyay doorka muhiimka ah ee ay leedahay taageerada GAVI, gaar ahaan xilliyada degdegga ah iyo barnaamijyada cusub ee LEAP, kuwaas oo si gaar ah ugu faa’iideeya wadamada nugul sida Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale taabtey nuxurka ahmiyadda uu u lee yahay ayaa yiri “Tallaalku waa furaha badbaadada carruurteena – waana mas’uuliyadeena inaan gaarsiino cid kasta oo u baahan, gaar ahaan kuwa aan weligood helin adeegyadaas muhiimka ah”.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo adeegyada tallaalka oo loo gaarsiiyo dhammaan bulshada, iyada oo la kaashanayo bahwadaagta caalamiga ah.