Wasiirka Caafimaadka oo magacaabay Guddiga ka jawaabida xaaladaha deg dega ee caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddiga kumeel Gaarka ah ee ka shaqeyn doona Gurmad Caafimaad oo deg deg ah sidii loo gaarsiin lahaa Ciidamada Qalabka sida iyo Muwaadaniinta ay wax yeelada kasoo gaarta Dagaalka looga xorreeynaayo guud ahaan dalka khawaarijta.

Xubanaha Guddiga ayaa kala ah

1. Guuleed Cabdijaliil Cali: Gudoomiye
2. Cabdulqadir Cabdiraxmaan Aadan: Xubin
3. Maxamed Maxamuud Cadow: Xubin
4. Axmed Aadam Maxamed: Xubin
5. Yuusuf Cumar Maxamed: Xubin
6. Cali Cabdiraxmaan Cusmaan: Xubin
7. Faarax Yuusuf Maxamed: Xubin
8. Cabdirisaaq Axmed Cabdullaahi: Xubin

Wasiirka ayaa faray xubnaha guddiga in ay si dardar galiyaan howlaha loo igmaday ee u adeegida shacabka, kana shaqeeyaan sidii adeeg Caafimaad oo deg deg ah loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay iyo sidii loo daweyn lahaa dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Argagaxisada.